Maamulkii Gobolka Tigray-ga oo gabi ahaanba la kala diray

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Kaddib
fadhi uu maanta oo Sabti ah uu yeeshay Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa gabi
ahaanba lagu kala diray maamulkii gobolka Tigray, iyaga iyadoo leysku raacay in
maamul cusub loo sameeyo.
Warkan oo ay baahisay
warbaahinta Fana ee dalkaasi Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamul
cusub loo sameyn doono gobolkan oo ay ku dagaalamayaan ciidamada difaaca
Qaranka iyo jabhada taageersan xisbiga
TPLF.
Diyaaradaha dagaalka ee
Ethiopia ayaa duqeeyay gobolka Tigray Jimcihii, iyadoo Ra’isulwasaare Abiy uu
ballanqaaday in uu qaadi doono duqeymo dheeri ah taasi oo colaadda sii
kordhineysa.
Go’aanka uu qaatay
Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa noqon kara mid uga sii darra xiisadii markii
horeba ka aloosneyd gobolka sida ay qabaan khubarada falanqeeya siyaasada
dalkaasi Itoobiya, iyadoo Abiy uu sheegay in qeyb ahaan la soo gabagabeeyay
howlgalkii socday.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com