Waqtiga la dooranayo madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dhawaaqay

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Guddiga
doorashada madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa soo saaray
jadwalka doorasho kaddib markii ay maanta xildhibaannada Hirshabeelle codka kalsoonida siiyeen.
Jadwalka guddiga doorashada ayaa
lagu sheegay in 8 bisha ilaa 9ka la qaban doono Araajida musharixiinta xilka
madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa 10ka bishanna la dhageysan doono khudbadaha
musharixiinta halka 11ka isla bishan November-na la dooran doono madaxweynaha
Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.
Mudo afar cisho ah ayeey u
muuqataa in gabi ahaanba lagu soo gabagabeyn doono doorashadan oo ah mid
xasaasi ah siweynna isha loogu wadda hayo
Hoos ka akhriso jawalka Doorshada
:
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com