4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Ayax tiro badan oo ku habsaday gobolka Shabeellaha Hoose
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu faraba'an ku hayay Ayaxa ayaa hadana waxa uu Ayax aad u tiro badan gaaray gobolka Sh/hoose kaasoo ku habsaday dhul beereed fara badan oo ku yaala gobolkaas gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo deegaano kale oo hoos yimaado.

Ayaxa ku habsaday beeraha ayaa si daran u baaba'shay dalagii kala duwanaa ee ku yaalay beeraha iyo waliba daaqsinkii Xoolaha, waxaana dalagyada uu baaba'shay Ayaxa ka mid ahaa Sisinta,Digirta, iyo Galeyda.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Sh/hoose uu ka mid yahay Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka Sh/hoose oo markii horeba la daalan dhacayay dhibaatoyinkii ay geysteen fatahaada Wabiga Shabelle hadana ugu sii darsoontay dhibaatada Ayaxa.

Waxgaradka gobolka Sh/hoose ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney wax ka qabato dhibaatada iyo xaalufka uu Ayaxa ku haayo gobolka Sh/hoose gaar ahaan Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu Ayaxa fara ba'an ku haayo.

Ayaxa raxan raxanta ah ayaa sanadkii hore sidaan oo kale u xaalufiyay dhul beereed iyo daaqsinkiisa gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waana sanadkii labaad oo uu xaaluf ka geysto inta badan gobolada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]