Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu faraba'an ku hayay Ayaxa ayaa hadana waxa uu Ayax aad u tiro badan gaaray gobolka Sh/hoose kaasoo ku habsaday dhul beereed fara badan oo ku yaala gobolkaas gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo deegaano kale oo hoos yimaado.
newsinsideAyaxa ku habsaday beeraha ayaa si daran u baaba'shay dalagii kala duwanaa ee ku yaalay beeraha iyo waliba daaqsinkii Xoolaha, waxaana dalagyada uu baaba'shay Ayaxa ka mid ahaa Sisinta,Digirta, iyo Galeyda.
Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Sh/hoose uu ka mid yahay Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka Sh/hoose oo markii horeba la daalan dhacayay dhibaatoyinkii ay geysteen fatahaada Wabiga Shabelle hadana ugu sii darsoontay dhibaatada Ayaxa.
Waxgaradka gobolka Sh/hoose ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney wax ka qabato dhibaatada iyo xaalufka uu Ayaxa ku haayo gobolka Sh/hoose gaar ahaan Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu Ayaxa fara ba'an ku haayo.
Ayaxa raxan raxanta ah ayaa sanadkii hore sidaan oo kale u xaalufiyay dhul beereed iyo daaqsinkiisa gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waana sanadkii labaad oo uu xaaluf ka geysto inta badan gobolada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]