Golaha Shacabka oo la hogeynayo maanta warbixin ku saabsan COVID-19

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)-
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta lagu wadda in
la horgeeyo warbixin la xiriirta saameynta cudurka COVID-19 oo ah cudur guud
ahaan marka la eego dunida dhibaato ba’an ku haya,
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu
wargaliyay kulanka maanta iyo ajandayaasha hor yaala oo kala ah Warbixin ku
saabsan saameynta uu cudurkan COVID -19 uu ku yeesheen wax soo saarka cunida
iyo ganacsiga.
Sidoo kale waxaa ajandaha maanta
ee kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ku jira akhrinta 2aad ee Hindise
Sharciyeedka hay’adda Socdaalka.
Cudurka Coronavirus oo ah cudur
dilaa ah oo fara’ban ku haya caalamka ayaa saameyn weyn ku leh dalkeena
Soomaaliya oo wali kiisas ku saabsan laga soo sheegayo qeybo ka mid ah
gobollada dalka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com