4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Midowga Yurub oo ku deeqay €17.2 milyan oo loogu taageerayo nidaamyada caafimaadka ee Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa ogolaaday inuu bixiyo 17.2 milyan oo Yuuro ah oo lagu taageerayo wadamada Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Taageeradan dhaqaale ayaa loogu talo galay wax ka qabashada xaaladdaha caafimaadka ee Geeska Afrika, si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee aafada Covid-19.

Wakiilka Iskaashiga Caalamiga ee midowga Yurub, Jutta Urpilainen, ayaa tiri: “Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Afrika waa aalad muhiim ah oo lagu taageerayo qaar ka mid ah dadka ugu nugul Geeska Afrika. Wuxuu horey  u fuliyay in ay 4.8 milyan oo qof oo gobolka ku nool  helaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, fayadhowrka iyo nafaqada.

Soomaaliya, waxaa si gaar ah loogu xusay inay million 5 milyan ka helidoonto dhaqaalahan si looga caawiyo cawaaqibka cudurka faafa ee coronavirus.

Barnaamijkan waxaa looga dan leeyahay in la ilaaliyo dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo in la abuuro xaalado wanaagsan oo xagga horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]