Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada

Cabirka Farta

 Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay dajiyaan xaalada iyo hadallada hajabaada ah ee hawadda leysku marinayo ee la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan wali ka soo kaban dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee dalka oo kala qeybiyay, sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga fogaado hadallada xanafta leh ee dhalin kara dhiilo colaadeed.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka :

Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada 

Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]