Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta khudbado jeedinaya

Talaado, November, 03, 2020 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu waddaa in ay khudbado ka dhageystaan musharixiinta u taaggan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka.
Sida ku qoran jadwalka Guddiga Doorashada maalinta barri ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa oo ilaa iyo hadda ay u taagan yihiin 6 musharax.
Musharixiinta ayaa kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, halka ku-xigeenka koowaad ay u sharaxan yihiin labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa waxaa ku tartami doona Xildhibaannada kala ah Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay iyo Mahad Xassan Cismaan.
Maalinta berri ayaa isha lagu wadda hayaa musharixiinta ku soo baxa doorashada iyadoo intaa kadibna loo gudbi doono qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com