4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Waare oo sheegay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha Hirshabeelle

 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL) -Madaxweynihii Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bartiisa Twitter -ka ku shaaciyay in uu  iska casilay xilkii madaxweynaha, isaga oo sheegay in uu u maray qaab sharciga waafaqsan.

Madaxweyne Waare oo qoraalkiisa is casilaada kaga sheekeeyay taariikhdii laga soo maray dhismaha Hirshabeelle ayaa sheegay in marnaba  Hirshabeelle dhismaheeda aan loo marin dariiqii saxda ahaa ee dhismaha maamul loo maro, isaga oo sheegay in Hirshabeelle labada marba lagu soo aadiyay dhismaheeda xili lagu guda-jiray ololaha  Doorasho ee heer Federaal.

Wuxuu sheegay in labada Baarlamaan ee Hirshabeelle lagu soo beegay xili dalka uu ku jiro olole doorasho, waxaana uu ku taliyay in dib loo dhigo dhismaha Hirshabeellada cusub ilaa uu ka dhamaanayo waqtiga dowladda hadda jirta, si markaa iyadoo  la Miir qabo loo guda-galo dhismaha Labaad ee Hirshabeelle.

''Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2016ka wuxuu uu ku soo aaday xili lagu guda-jiray olole doorasho, umana ekeyn Baarlamaanka ka tarjumayay una adeegayay danaha deegaannada uu matalo, sidaa oo kale dhismaha Baarlamaanka Labaad ee sanadkan 2020ka ayaa imanaya xili uu socdo loolan adag oo dhinaca doorashada ah'' ayuu qoraalkiisa ku sheegay madaxweyne Waare.

Is casilaadan Madaxweyne Waare ayaa imaneysa iyadoo muran iyo khilaaf xooggan uu ka taaggan yahay awood-qeysiga kuraasta sare ee Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso Qoraalka is casilaada madaxweyne Waare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]