4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Hoggaamiyaha Tigrayga '' Dhimasho ayaan diyaar u nahay

 

Talaado, November, 24, 2020 IHOL) - Hoggaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael  ayaa ku gacanseyray dalabkii ugu yimid Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo u qabtay 72 saacadood  in ay isku soo dhiibaan.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan u hoggaansimi doonin dalabka uga yimid dhinaca Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, taa badalkeedana diyaar u yihiin in ay dhintaan.

Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in wax ka yar 60 kilomitir  u jiraan Mekele, caasimada Tigreyga ahna xarunta kooxda TPLF, waxaana soconaya madaafiic culus oo ay adeegsanayaa ciidamada si ay ula wareegaan magaalada.

Laakiin dhinaca kale hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa u muuqda kuwo aan u joojineynin hujuumka culus ee uga imanaya dhinaca ciidamada Qaranka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]