4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Magacyada musharixiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle

 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Doorashada Hirshabeelle ayaa ah tan ugu xiisaha iyo hadal heynta badan guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya xiliggan, sababta ayaa lagu sheegay waqtiga xasaasiga ah oo ay ku soo beegantay iyo loolanka adag ee beelaha oo isku haya awood qeybsiga  kuraasta ugu sarreysa maamulka.

Ilaa 6 musharax ayaa isku soo taagtay qabashada xilka guddoomiyaha, ku--xigeenkiisa 1aad iyo labaad ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa isku soo taagay labada musharax ee kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, halka ku-xigeenka koowaad ay u sharaxan yihiin labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa waxaa ku tartami doona Xildhibaannada kala ah Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay iyo Mahad Xassan Cismaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji oo u sharaxan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle  ayaa  ah shaqsiga lagu badallay Aadan Axmed Xeefoow maalintii ugu danbeysay ee dhaarta xildhibaannada waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu yahay shaqsiga lagu waddo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale, Doorashada khilaafka Siyaasadeed uu ka jiro  ayaa ah tan madaxweynaha oo wali heshiis muuuqda aan laga gaarin kaddib markii labada beelood ee Xawaadle iyo Abgaal isku maandhaafeen sida lagu wajahayo.
 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]