Dowladda Itoobiya oo amartay hub ka dhigista Askarta Tigrayga ee ka tirsan howlgalka AMISOM

Khamiis, November, 19, 2020
(HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii
ku baaqday in hub ka dhigs lagu sameeyo Askarta ka soo jeeda qowmiyada Tigrayga
ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Amarkan ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa u muuqda
mid wiiqaya awood ciidamada Itoobiya eeku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee
dagaalka kula jira xoogagga Ururka Al-shabaab.
Wararku waxaa ay intaa ku
darayaan in 200 ilaa 300 oo Askari oo Tigray ka howlgala Soomaaliya durbaba
hubka laga dhigay waxeyna dowladda Itoobiya sheegtay in arintan ay tahay
tallaabo loo qaaday dhinaca nabad-galyada.
Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa
horaantii bishan bilaabay in ay la dagaalamaan Jabhada gooni u goosadka ee
TPLF, waxaana dagaalka ay dowladdu la gashay uu u muuqdaa mid saameyn weyn ku
yeeshay gobolka oo Soomaaliya ka mid tahay.