4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Al-shabaab oo beenisay in xubno kamid ah dagaalamayaasheeda lagu xiray dalka Ethiopia
 

Axad, November, 15, 2020 HOL) - Al-Shabaab ayaa beenisay sheegashada Itoobiya ee ah in ay xireen xubno ka tirsan kooxdooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Bayaan kasoo baxay Alshabab, ayaa lagu sheegay in sheegashada Ethiopia uga dan leedahay in ay indhaha caalamka ka jeediso qalalaasaha ka taagan gobolka Tigreega.

" Hadalka Ethiopia ee ku saabsan in ay qabteen xubno ka tirsan Alshabaab waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka uga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya" ayuu  yiri Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenkii howlgallada Al-Shabaab.

Alshabaab waxay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin qalaalasaha ka socda dalka Ethiopia.

Sirdoonka Itoobiya (NISS) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo qorsheynayay in ay weeraro ka fuliyaan goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (ENA) oo soo xiganeysa NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo Daacish ay xubnahooda u direen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah si loo fuliyo falal argagixiso oo wax u dhimaya nafta iyo hantida dadka sidoo kalena sumcadda dalka wax u dhimaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]