Golaha ammaanka oo meel mariyay qaraar mamnuucaya walxaha qarxa ee Soomaaliya loo dhoofiyo

Cabirka Farta
 Golaha ammaanka oo meel mariyay qaraar mamnuucaya walxaha qarxa ee Soomaaliya loo dhoofiyo

Jimco, November, 13, 2020 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraar ogolaanaya in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya walxaha qarxa ee macmalka ah, taasoo la aaminsan yahay in kooxaha mintidiinta ee ay ka caawiso inay u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

newsinsideGolaha amnigu wuxuu sidoo kale ku booriyay dowladda Soomaaliya inay sii wado ka hortagga dhaqaalaha gacanta u gala kooxaha xagjiriinta  ee ay khubarada Qaramada Midoobay ku qiyaaseen inay u soo xaroodeen $ 21 milyan sanadkii hore.

Qaraarkan oo lagu ansixiyay 13 cod, kana aamuseen Ruushka iyo Shiinaha, ayaa dib u xaqiijinaya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dib u iibinta ama wareejinta hubka ama qalabka milatari.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen khubarada kormeeraya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay ku sheegeen, in Al-Shabaab ay khatar joogto ah ku hayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo aruurisay in ka badan 21 milyan oo dollar oo sanadkii hore ay u isticmaashay dagaallo, hub iyo howlaheeda sirdoonka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]