Colaad ka taagan gobolka Mudug oo lagu baaqay in la joojiyo
Khamiis, November, 12, 2020
(HOL)- Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg
deg loo soo afjaro colaad u dhaxeysa labo beelood oo wada diga gobolka Mudug ee
bartamaha Soomaaliya.
Gaar ahaan colaadan ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo
Hul-Dooyaale oo dhowr jeer oo hore ay dagaalo ka
dhaceen.
Dadka
baaqan diray ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf
Sheekh Al-Cadaala ayaa labada beelood ka
dalbaday in wixii jira wada hadal lagu dhameeyo.
Gobollada
dhexe inta badan waxaa ku soo noqnoqda dagaalada ku saleysan aanooyinka
Qabiilka , waxaana ay intooda badan salka ku hayaan muranka ka dhasha
deegaanka iyo dhul qaasimeedka oo dadka reer miyiga muhiim gaar ah u leh.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com