Wasiir ka tirsan Jubbaland oo isku day dil ka badbaaday
Khamiis, November, 12, 2020
(HOL)- Wasiirka Deegaanka Dowlad
gobolleedka Jubbaland Ceydiid Saleemaan Xaanshi ayaa ka badbaaday isku day dil
kaddib miino loogu xiray gurigiisa oo sababtay geerida saddex ruux oo labo ka
mid ah ka tirsanaayeen ilaaladiisa.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta
ayaa sheegay in miinada la saaray daaqada qol ay ku jireen qaar ka mid ah
ilaaladiisa, waxaana goobta ku geeriyooday saddex ruux oo labo ka mid ah walaalo
ahaayeen.
‘’ Gudaha ayaan ka maqlay dhawaqa
qaraxa markii aan soo baxay ayaa arkay
khasaaraha goobta ka dhacay iyo meydadka saddexda ruux oo labo ka mid ah ka
tirsanaayeen ilaaladeyda halka qof kalana uu la dhashay mid ka mid ah labada
askari’’ ayuu yiri Wasiirka.
Amaanka magaalada Kismaayo ayaa
labadii bilood ee la soo dhaafay u muuqanayay mid sii xumaanaya, dhawaan ayeey
aheyd markii Babooyin lagu weeraray guriga uu magaalada ka deggan yahay
guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo bishii horena lagu dilay
madaxii shirkadda Xawaallada Amal.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com