
newsinsideKenya waxay sheegtay in ay u suurto galisay joojinta weeraradaas iskaashiga Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka (NIS).
“Weerarada kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya waxay qayb ka yihiin ololaha lagu qasbayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu ciidamada KDF kala baxo Soomaaliya halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxda argagixisada taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo ummada dhibaataysan,” ayaa lagu yidhi warkaan.
Kenya waxay sheegtay bandowga ay kusoo rogtay isku socodka iyo in awaamiirta faraysa muwaadiniintu inay guryahooda joogaan si ay uga badbaadaan musiibada Covid19 ayaa micnaheedu yahay inaysan heli karin Al-shabaab dad aad u badan oo ay bartilmaameedsadaan.