
newsinsideTuulax oo la hadlay saxaafadda Muqdisho waxa uu qeexay in ujeeddada looga gol leeyahay xaqiijinta amniga ay tahay dhowridda bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, isagoo intaa ku daray in howl-galkaan uu noqon doono mid guri guri loo baarayo degmooyinka qaar.
“Degmooyinka Wada-jir iyo Dharkeenley iyo guud ahaan degmoyinka kale waxaan ku sameyneynaa baaritaan amniga la xiriira oo guri guri ah “ ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli magaalada Muqdisho uu saaranyahay Bandow looga hortagayo xanuunka COVID-19, islamarkaana lagu guda jiro bisha ramadaan oo aan dhibaatooyin badan oo ammaanka ka dhan ah laga soo werin caasimadda Muqdisho.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho