4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2020
Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay gudiga mareeynta masharicda xalka waara
 

Khamiis, May 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay gudiga maareeynta mashaariicda xalalka waara ee laga gaarayo fatahaada wabiga Shabeelle.

Gudigan ayaa ka kooban sagaal qeybood oo aay kamid yihiin wasiiro, iyo gudoomiyaasha labada gobol ee Hirshabeelle, waxaa sidoo kale magacaabistan qeyb ka ah xafiiska Raiisul wasaaraha Soomaaliya.

Warqada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in gudigan aay kashaqeeyn doonaan maareeynta mashaariic ku aadan ka hortaga fatahaada Beledweyne.


Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online