
newsinsideWasiirka amniga ayaa sheegay kantaroolada inay gayndoonaan ciidamo booliis ah. Canshuurta laga qaado gaadiidka ayaa wasiirka amnigu sheegay in ay si toos ah ugu dhicidoonto wasaaradda maaliyadda Galmudug.
Muddo dheer oo sanado ah kantaroolka kuyaala koonfurta Gaalkacyo waxaa uu gacanta ugu jiray maleyshiyo beeleed aan cidina ka amar qaadan.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay isbaarooyinka sharci darrada inay yihiin waxa curyaamiyay Galmudug iyo shacabkeeda.
Wuxuu ballanqaaday in lagasoo bilaabo Matabaan illaa Gaalkacyo in ay ka qaadidoonaan isbaarooyinkaas ayna geyndoonaan ciidamo booliis ah.