4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 27, 2020
Kiisaskii ugu horeeyey COVID-19 oo laga helay Laascaanood iyo khatar laga Dayriyey
 

Arbaco, May 27, 2020 (HOL) -  Laba qof ayaa wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool ku dhawaaqday in laga helay COVID-19 magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo la sheegay in xaaladoodu ka soo raynayso xiligan.

"Waxaan haynaa laba qof oo bukaan ah, haatana xaaladoodu aad ayay uga soo raynaysaa" sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool oo intaas ku daray in cabsi badan ay magaalada ka jirto iyadoo buu yidhi aanay dadka magaaladu uba soo jeedin wacyigelinta.

Kulan ay saaka ku yeesheen gudiga ka hortaga COVID-19 xarunta wasaarada Caafimaadka ayay ka soo jeediyeen in bulshada la fahansiiyo dhibaatada uu xanuunkan leeyahay iyo sida fudud ee uu u faafo.

Waxa ay gudigu sheegeen in haatan baadhista iyo daweyntuba ya yihiin Bilaash, iyagoo aad ugu dheeraaday in laga hortago khatar aan hadhow wax laga qaban karin.

Guud ahaan gobolka Sool ayaan haba yaraatee aanay jirin wax isbedel ah oo looga hortegayo xanuunkan marka laga reebo goobaha wax lagu barto oo xidhan taasina waxay si fudud u faafin kartaa xanuunka oo dad badan oo bulshada ka mid ah shaki ay ka qabaan gooniyaynta oo ay isku difaacaan in hargab uu hay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood