4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Wasiirkii degaanka Puntland oo Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Covid19

Isniin, May 25, 2020 (HOL) - Wasiirkii deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo kahor diyaarad looga qaaday magaalada Garowe kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku dhegtay.

Waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland xanuunka uu ku dhacay markii ay arimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee Puntland katirsan oo cudurka u geeriyooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]