
newsinsideDhammaan dhinacyadii kulanka fadhiyay ayaa soo dhoweeyay howsha ka socota dalka iyo hor’umarro la sheegay in ay muuqanayaan.
Dowladda Mareykanka ayaa waxay madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in la qabto shirkii Golaha amniga ee Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal uu la furo madaxda dowlad goboleedyda, shirkaas oo aan in muddo ahba la qaban.
Sidoo kale dhinacyo fadhiyay shirka ayaa walaac ka muujiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo, iyadoo la sheegay in ay abuuri karaan xasarado ragaadin kara geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya.
Inkastoo beesha caalamka ay baaqaase soo jeediyeen , haddana lama oga madaxweyne Farmaajo oo ku jira sanadkii ugu dembeeyay ee mudda xileedkiisa inuu meel-marin doono in uu wada-hadal la furo Maamul goboleedyada dalka si gaar ah Jubaland iyo Puntland oo xiriirka dowladda dhexe ay la leeyihiin uusan wanaagsaneyn.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]