
newsinsideKhilaafkaan ayaa dibedda usoo baxay kadib markii xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ay kasoo baxday warqad lagu diidan yahay xilka qaadista gaashaanle sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, iyadoo loo sababaynayo wadatashi la’aan uu sameeyay madaxweynaha.
Axmed Karaash ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inay soo noqnoqtay wada tashi la’aanta marka uu sameynayo magacaabis ama xil ka qaadis.
Waa markii labaad oo madaxweyne ku xigeenka Puntland uu kasoo horjeesto magacaabis uu sameeyo madaxwyenaha Puntland.
Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii Axmed Karaash uu kasoo horjeestay magacaabida guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah, kadib markii uu ka cowday la tashi la'aan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]