Gudoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kusoo wajahan
Jimco, May 15, 2020 (HOL) - Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta diyaarad gaar kasoo raacay halkaasi ayagoo kusoo wajahan dalka.
Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go'doomay halkaasi kadib markii cudurka safmarka ah ee COVID19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.
Masuuliyiinta oo hore u shaacisay in ay xiranyihiin kulamadii Baarlamanka sababo la xiriira cudurka Corona ayaa iman doona Muqdisho, waxaana horyaal arrimo badan oo looga fadhiyo Baarlamanka oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha doorashooyinka.
Masuuliyiintaan waxaa safarka ku wehilya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.