3/30/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku raadjoogta dad la kulmay qof lagu sheegay cudurka Coronavirus


 

Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

“Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii  laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama  xiriir toos ah la sameysay arintaas wey socotaa waxaa naga  kaalmeyneysaa WHO” ayay tiri wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiya  Nuur Abiikar la hadashay BBCda.

Waxay sidoo kale sheegtay in dadkii diyaaradda la saarna qofka laga helay cudurka ay gaareen deegaanno ka tirsan dalka.

“Dabcan dadkii diyaaradda la soo raacay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfurta..waa la wada wacaya, waa la raadinaya , waxaa lagula talin doonaa inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan” ayay tiri Fowsiya .

16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in haatan la karantiilay 9 qof oo looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 

 
 

 

 










Click here
3/23/2020 12:27 PM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

3/23/2020 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

3/23/2020 8:06 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

3/23/2020 5:18 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

3/23/2020 3:53 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.