3/30/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay safar uu ku tagayo magaalada Muqdisho


 

Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ku sheegay intii lagu guda jiray shirka golaha wasiiradda Puntland ee maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada.

 ''Waxaan Golaha wasiiradu isla garteen in aniga iyo wafdi aan hogaaminayo aan tagno caasimada dalka ee muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada si aan gogol xaar ugu samayno inay miro dhal noqoto gogosha nabada ee uu ku baaqay shirka wadatashiga Puntland''

Warar ay heshay HOL, ayaa sheegaya in madaxweyne Deni iyo wafdigii ka socday dowladda federalka ay wada gaareen is fahan buuxa ayna dowladda federalku soo dhoweysay shirkii wadatashiga Puntland iyo gogasha madaxweyne Deni uu fidiyay.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inay horey iskusii raacaan wafdiga dowladda federalka ee weli ku sugan magaalada Garowe, kuwaas oo horey u codsaday in madaxweyne Deni uu tago Muqdisho.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/19/2020 10:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL )– Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus.

3/19/2020 9:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.

3/19/2020 9:45 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada.

3/19/2020 7:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ka soo muuqday Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay.

3/19/2020 4:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.

3/19/2020 3:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.

3/19/2020 2:53 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.