4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2020
Madaxweyne Magafuli ”Tanzania waan ka cirib tirnay covid-19”
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Madaxweynaha jamhuuriyadda Tanzania john magafuli ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa laga cirib tiray xanuunka coronavirus, waxa uuna u mahadceliyay muwaadiniinta qarankaasi oo uu tilmaamay in ay si wanaagsan ugu duceeyeen dadka iyo dalkaba.

”Cudurka Corona waa la cirib tiray Alle ayaa mahad leh” ayuu Magafuli ka sheegay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma .

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa horay u qeexday walaaca ay dowladdaasi ka qabto marka loo eego istiraatijiya ay ku wajaheyso xanuunka Covid-19.

Dowladda Tanzania ayaa joojisay bixinta macluumaadka la xiriira tirade rasmiga ah ee uu haleelay Coronavirus

29-kii April ayeey aheyd maalintii ugu dembeysay oo ay dowladdaas bixiso macluumaad xanuunkaas la xiriira, waxaana maalintaas la shaaciyay kiisaska 509 ruux iyo 21 kiis oo dhimasho ah . Hase-ahaatee madaxweyne Magafuli ayaa sheegay isbuucii lasoo dhaafay in waddankiisa keliya ay Afar ruux la xanuunsanyihiin Coronavirus , dadkaas oo uu sheegay in lagu daaweynayo magaalada Dar es salam.

Bishii lasoo dhaafay dowladda Tanzania ayaa diiday digniin ay bixisay safaaradda Mareykanka oo sheegayay in marka la eego dadka xanuunkaan qaadayo gudaha dalka uu aad u sarreeyo, cisbitaalladana ay aad u buuxaan.

Madaaxweyne Magafuli ayaa waxa uu tilmaamay in sida loo dhigayo xaaladda caafimaad ay tahay mid ka badbadis ah , waxa uuna ka codsaday dadka ku xiran masaajidda iyo kaniisadaha in qarankaas ay u duceeyaan si uu kaga badbaado aafada safmarka Corona.

Tanzania waxay kamid tahay dhowr waddan oo Afrikaan ah oo soo qaadday daawo lagu farsameeyay dalka Madagascar oo la sheegay in wax wayn ay ka qabaneyso xanuunka Covid-19, laakiin lama oga in laamaha caafimaadka waddanku ay isticmaaleen.

 Dawadaasi ayaan si cilmi ah weli loogu qancin.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka waddankaasi ayaa si aad ah u dhaliilay siyaasadda madaxweyne john Magafuli  uu ku wajahay xanuunka Coronavirus , kaas oo iminka caalamku uu si adag ula dagaallamayo.

Isha warka : BBC Africa .

Abdiaziz Ahmed Barrow, HIiraan online
[email protected]