4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2020
Taliska ciiddanka booliiska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen ismiidaamiye isku qarxin rabay banaanbixii Muqdisho
 

Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Taliska Ciiddanka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen nin isisoo miidaamiyay oo doonayay inuu isku qarxiyo iskusoo bax maanta ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciiddanka bilayska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali, ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaan isagoo maleegayay in uu shacabka isku dhex qarxiyo ay ciidamada ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan isaga iyo qarixii ku xirnaa.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka ka hortagga dambiyada ay isla maanta ay fashiliyeen miino la doonayay in gaarigiisa loogu xiro muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa isgoyska exkontarool Afgooye.

Wuxuuna sheegay in la qabtay ninkii miinada ku xiri lahaa gaariga oo uu dhaawac kasoo gaaray kadib markii ay ku qaraxday.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]