4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2020
Puntland oo sheegtay inay dishay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug
 

Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21-aad ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in lagu dilay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamada.

Qoraalka kasoo baxay taliska ciiddanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaan ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale.

Ciidanka PSF iyo Danab 21 waxay u mahad-celiyeen shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula shaqaynaya ciidamadooda,iyagoo sheegay inay ka heleen xog muhiim ah.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay qaadidoonto tilaabo ay ugu aar gudayso dilkii gudoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur Yare, oo bishii May lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Al-shabaab soo abaabuleen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]