4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2020
Soomaaliya oo laga xaqiijiyay saacadihii ugu dembeeyay kiisas badan oo COVID-19 ah
 

Khamiis, Juun 04, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa goor dhow soo saartay war ku saabsan xaaladda dalka iyo halka uu marayo xanuunka Coronavirus.

Warbixinta ayaa lagu shaaciyay kiisas badan oo laga helay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya.

Qoraalka ay wasaaradda caafimaadka goor dhow sii daysay ayaa sidaan u dhignaa:-

04 June 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 58
> Benadir: 32
> Hirshabelle: 11
> Somaliland: 8
> Galmudug: 3
> Puntland: 2
> Jubbaland: 1
> Koonfur Galbeed: 1

> Lab: 49
> Dhedig: 9
> Bogsasho: 12
> Dhimasho: 0
--------------------------------
> Tirada Guud Laga Helay: 2,204
> Bogsashada Guud: 418
> Dhimashada Guud: 79

Sida ku cad warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya weli xanuunka ayaa aad u baahaya,  xilli taxadarka dadku ay sameynayaan uu aad u koobanyahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]