Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Cabud-waaq oo ah degmo ku taalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.
newsinsideDiyaar garow xooggan ayaa ka socda magaalada, iyadoo ammaankana ciidamada nabad-gelyada ay si weyn u sugayaan.
Waxyaabaha dadka deegaanka ay filayaan inuu madaxweynaha kala hadlo ayaa waxaa kamid ah arrimaha hor’umarka iyo dhismooyinka. Waxay dhinaca kale shacabka magaaladaas ay aad u daneynayaan in adeegga dowladnimo ee maamul goboleed Galmudug uu gaaro degmadaas.
Wafdiga la filayo in ay gaaraan magaalada Cabud-waaq ayaa waxaa kamid ah xubno wasiirro iyo xildhibaanno ah oo magaaladaas ku metala maamulka Galmudug.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]