7/5/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Ururka saxaafada Somaliland oo sharci darro ku tilmaamay shaqo ka joojinta univetsal Tv


 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Ururka saxafiyiin Soomaaliland ee SOLJA, ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii shaqada looga joojiyay telefishinka madaxa bannan ee Universal Tv xafiiskiisa Somaliland uu ku lahaa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay go’aanka shaqada looga joojiyay Universaltv inuu ka dhashay kadib markii ay diideen inay baahiyaan hadal jeedinta madaxweynaha Somaliland, xilli uu ka hadlayay munaasabada 60 guurada markii gobolada waqooyi ay xurnimada ka qaateen Ingriiska.

Guddoomiyaha Solja, Maxamuud Xuute, ayaa sheegay in aysan jirin qoraal rasmi ah oo lagu sababeeyay shaqo ka joojinta universal, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka warfaafintu saxaafada ku caburinayo wax aan xaq loogu lahayn.

“Waa wax aan la aqbali Karin in xukuumada ciidamo dul gayso xarun warbaahineed iyadoo weliba sifo aan sharci ahayn ku xirtay,” ayuu yidhi Xuute.

Gudoomiyaha oo tixraacayay hadalka wasiirka warfaafinta  ayaa sheegay in aan warbaahinta madaxa bannaan xaq loogu lahayn inay siidaayaan warbixinta madaxweynaha, haddii uusan jirin heshiis horey looga gaaray.

“Haddii Universaltv lagula heshiiyay inay tebiyaan hadalka madaxweynaha, waa qalad xagooda ah oo lagu dacwayn karo, balse haddii aanu heshiiskaan jirin ma jirto sababto loogu qasbi karo inay tebiyaan hadalka madaxweynaha,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dastuurka Somaliland, ayaa dhigaya in Saxaafadda aan caburin lagula ma kici  karo, ay ka reeban tahay wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb (censorship).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
6/28/2020 2:02 PM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta khudbad ka jeediyay kullan deg deg ah oo aalada Fogaan-Aragga ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Bulshada ee waddamada Jaamacadda Carabta.

6/28/2020 11:37 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dood culus ka yeeshay go’aankii uu barlamanka Soomaaliya meel mariyay ee ku saabsanaa in gobolka Banaadir uu helo 13 kursi oo aqalka sare ah.

6/28/2020 7:38 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay warbixinta guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya uu ka jeediyay barlamaanka Soomaaliya, balse wuxuu sidoo kale ku adkaysaneynaa baahida loo qabo isafgarad siyaasadeed oo laga gaaro arimaha doorashada.

6/28/2020 4:46 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Golaha wakiillada Somaliland ayaa waxay saakay yeesheen kulankoodii caadiga ahaa iyagoo meel mariyay laba xubnood oo mucaaradka Somaliland usoo magacaabeen in lagu daro komishanka doorashooyinka madaxa bannaan, xubnahaas oo ay horay u diideen in ay ansixiyaan.

6/28/2020 4:40 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Cabud-waaq oo ah degmo ku taalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.

6/28/2020 4:32 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii shalay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu aqalka sare ee Baarlamanka dalka uu ku yeesho metalaadda 13 xubnood .

6/28/2020 3:30 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb galidoonin shirka lskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.

6/28/2020 2:07 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Duqa Magaalada Toronto ayaa calanka Soomaaliya ka taagay Hoolka Magaalada Toronto jimcihii lasoo dhaafay si loogu xuso Maalinta xurriyada Soomaaliyeed.