4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Qaramada Midoobay oo codsatay taageero dheeri ah oo Soomaaliya looga caawiyo faafitaanka COVID-19
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa codsaday taageero dheeri ah oo caalamiya si Soomaaliya looga caawiyo la dagaalanka faafitaanka cudurka COVID-19.

James Swan, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in taageerada ay siinayaan hay'adaha caalamiga ah ay u saamaxday Soomaaliya in ay bixiso tashkiilaad lagu daryeelo bukaanada COVID-19.

“Anagoo ah saaxiibo iyo shuraako, sharaf ayey noo tahay inaan idin caawino oo aan idin garab istaagno,” ayuu Swan ku yiri bayaan uu soo saaray kadib markii uu booqday Isbitaalka De Martini ee Muqdisho halkaas oo uu bogaadiyay dadaalka shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa la kulmay shaqaalaha daryeelka caafimadka si uu ugu mahadceliyo jawaabta ugu horeeysa ee ay soomaaliya ka bixineyso gurmadka caafimaad ee dadweynaha ee COVID-19.

Cusbitaalka De Martini wuxuu udub dhexaad u yahay baaritaanka kiisaska iyo taageerada daryeelka xasaasiga ah ee Soomaaliya. Cusbitaalku wuxuu leeyahay 71 sariiro oo karantiil ah oo loogu talagalay bukaannada COVID-19 iyo 16 hawo-mareenno, (Ventalaitor).

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, Soomaaliya waxa ay diiwaan gelisay 2,779 kiis oo COVID-19 ah, 782 soo kabasho ah iyo 90 dhimasho ah illaa Axaddii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]