4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo xaqiijiyay berito dalkiisa inuu marti galin doona kulan dhexmaraya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi
  

Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Berrito dalka jabuuti, ayaa marti galindoona kulan dhex mari doona Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi

Kulankaan oo noqon doono midkii labaad oo ay isku arki doonaan labada madaxweyne, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa kulankaan ka qeyb galidoona oo lagu casuumay Raiisel wasaaraha Ethiopia Mr. Abiy Ahmed oo horey dalkiisa iskugu keenay labada madaxweyne.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ku yidhi sidatan,“ Berrito dalka jabuuti, waxaan shir gudoomin doonaa kulan dhexmara Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hogaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Raiisul wasaare Abiy Ahmed inuu ka soo qeyb galo wada hadalada.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiri doonaan wakiillo ka socda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, Mareykanka iyo Itoobiya oo ku soo biiri doona kulanka.

Haddii shirku qabsoomo waxay noqon doontaa dhacdo taariikhi ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]