4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
G/le Cali Cabdi Jabbaar oo loo magacaabay Madaxa Dambi ka hortagga Komishinka Booliska DDS
 

Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Sida ku cad warqadda kasoo baxday Xafiiska Komishinka Booliska DDS. oo lagu magacaabay G/le  Cali Cabdi Jabbar inuu noqdo Madaxa Dambi ka hortagga Komishinka Booliska DDS.

G/le Cali Cabdi Jabbaar ayaa wakhtiyadii hore xilal kala duwan kasoo qabtay Booliska Degaanka Soomaalida, isagoo xilligii ay sii dhacaysay dawladdii Cabdi Ileyna uu kamid ahaa dadkii ku xirnaan jiray Jeel Ogaden.

Masuulkan lamagacaabay ee G/le Cali Cabdi Jabbaar ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo wanaag leh oo xilliyadii uu xilalka kasoo qabtay Booliska DDS looga bartay daacadnimo iyo degganaan.

Dadka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay magacaabista G/le Cali Cabdi Jabbaar ee Madaxa Dambi ka hortagga Komishinka Booliska DDS.