4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 12, 2020
Puntland oo shaqada ka joojisay saraakiil ciidan oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen dhalinyaro
 

Jimco, Juun 12, 2020 (HOL) - Taliyaha ciiddanka booliiska Puntland, Cabdi Xuseen Xasan Cabdi Yare, ayaa sheegay in shaqadii laga joojiyay taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gobolka Karkaar iyo taliyihii saldhiga Qardho, kadib markii ay si ka baxsan anshaxa booliiska ula dhaqmeen dhalinyaro ku caweynaysay duleedka magaalada Qardho.

Dhalinyaradaan ayay saraakiishaan ka duubeen muuqaal kadibna waxay ku baahiyeen baraha bulshada, waxaa kaloo xusid mudan in ciidamadu ay u geysteen jirdil iyo faquuq mid kamid ah dhalinyarada goobta ku caweynaysay.

Taliye Cabdi Yare, waxaa uu sheegay markii laamaha dambi baaristu baaritana kusoo sameeyaan falkaas inuu ahaa qalad weyn oo ay saraakiishu galaan, islamarkaana talaabadaha koowaad ay noqotay in shaqada ciidanka laga joojiyo.

Taliyaha booliska Puntland Cabdi Xuseen Xasan Cabdi Yare ayaa sheegay inay shacabka uga mahad celinayaan sida ay wacan ay ciidamada ula shaqeynayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]