4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2020
Somaliland: Dowladda Federaalka Soomaaliya wax shaqo ah kuma lahan xidhiidhka nagala dhexeeya Imaaraatka
 

Arbaco, Juun 10, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay hadaladii ka soo yeeray Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay dowladda Soomaaliya inay isku dayayso inay carqaladeyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo dowlada Imaaraadka carabta.

Somaliland waxay ku dhalleecaysay dowladda Soomaaliya inay caqabad ku noqoto mashaariicda horumarineed iyo mashaariicda maalgashiga ee Imaaraadku ka fulinayo gudaha Somaliland.

Waxay sheegtay in ficilada noocan ah ay kordhin doonaan heerka cadaawadda iyo nacaybka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Somaliland waxay si cad ugu dhawaaqaysaa dawladaha walaalaha ah ee Isu-tagga Imaaraatka Carabta iyo dhammaan waddamada xubnaha ka ah Ururka Qarammada Midoobay iyo adduunka oo dhan in madax-bannaanida Somaliland ay tahay go'aan aan la beddeli karin oo ay dadka Somaliland diyaar u yihiin inay sii wadaan halgankooda oo ay gaaraan masiirka xaqa ah, iyadoo aan loo eegin inta ay ku kacayso, dhib kasta oo ay qaadanayso,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.

Hadalkan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa jawaab u ah kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu dhalleecayn adag u jeediyay dowladda Imaaraatka iyo shirkaddeeda DP world xilli uu wareysi siinayay TV-ga Al Arabiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]