4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo todobaadkaan fasaxaysa duulimaadyada gudaha dalka
 

Isniin, June 1, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyada maxalliga ah toddobaadkan gudihiisa, sida aan kasoo xiganay masuuliyiin dowladdeed.

Saraakiisha laanta socdaalka iyo shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada waxay raacidoonaan qawaaniin caafimaadka oo ay kusoo rogtay wasaarada caafimaadka iyo adeega bulshada, taasoo ku saabsan kahortaga COVID 19.

Tallaabooyinka lagusoo rogay waxaa kamid ah, inay rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka iyo Sanka, gacmo gashiga iyo gacmo-nadiifiyeyaasha.

Duulimaadyada ayaa la joojiyay dabayaaqadii Maarso si ay dowladdu u xakameeyso faafitaanka cudurka coronavirus, laakiin fasax gaar ah ayaa la siiyay duulimaadyada xaaladaha degdegga ah gaar ahaan kuwa sida daawada iyo cuntada.

Intii ay xayiraadu saarnayd waxaa albaabada loo laabay xafiisyo badan oo ay shirkaddaha duulimaadyadu ku lahaayeen magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, kadib markii ay dhaqaale xumo lasoo deristay iskana bixin waayeen xafiisyadii ay kirrooyinka ugu jireen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]