4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2020
Addeega isgaarsiinta internetka oo dib ugusoo laabtay gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
 

Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o shalay 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo.

Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, oo haatan loo xalliyay si KMG ah.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]