4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Burco:Laba caruura oo u geeriyooday dab ka kacay Gurigoodii

 

Talaado, Janaayo ,28, 2020 (HOL)–Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Ciidanka dabdamiska magaalada Burco ayaa badbaadiyey ilmo yar oo guriga gubanayey laga soo saaray, halka guryihii u dhowaa laga badbaadiyey inuu dabku gaadho maadaama oo goobtu ahayd guryo ka samaysan jiingado iyo Buulal, kuwaas oo si fudud iskugu gudbinayey dabka.

“xalay sagaalkii habeenimo ayaa ciidanka dab-damiska lala soo hadlay, wax ka yar sadex daqiiqo ayaanu ku gaadhnay goobtii, waxaanu isku daynay in aanu dabku u fidin guryaha kale, waxa halkaasi ku geeriyooday laba caruur ah oo laba jir iyo sadex jir kala ah, halka ilmo yar oo kalena ka badbaadinay oo isagoo dhaawac fudud ah aanu gaynay cisbitaalka guud ee magaalada Burco”ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidanka dab-damiska magaalada Burco Jimcaalle Maxamed Cabdi.

Taliye ku xigeenku waxa uu bulshada ugu baaqay in aanay isku dayin inay iyagu dabka bakhtiiyaan ee ugu yeedhaan ciidanka dab-damiska, halka dirawada gaadiidkana ugu baaqay marka ay maqlaan hoonka dab-damiska inay jidadka baneeyaan si loo badbaadiyo dad iyo duunyaba.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.