4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxsaday gacanta Dowladda Federalka Soomaaliya
 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Taliye ku xigeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya Gen. Sakiya xuseen, ayaa hadal ay kusoo qortay barteeda Twitterka ku sheegtay inuu baxsaday wasiirkii hore ee amniga Jubbaland,   Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan )   oo muddo ku xirnaa xabsi gaar ah.

Taliye ku xigeenka booliiska waxay sheegtay in ay hay’addaha amnigu ku raad joogaan soo qabashadiisa.

Wasiir Janan ayaa ku eedeysan inuu dambiyo kala duwan ka galay dad shacab ah, isagoo dhawaan lasoo taagay maxkamada gobolka Banaadir, si dacwadiisa loo dhegaysto.

In uu xabsiga ka baxsado masuul heerkaas ah, ayay dad badani ku tilmaameen arrin aan suurtagal noqon karin.

Baxsashadiisa ayaa kusoo beegantay waqti xasaasi ah oo ay dowladda federalka isku diyaarinayso inay awood miltari kula wareegay dhul badan oo kuyaala jubbooyinka.

Dhawaan, madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay wasiirka amniga u haystaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen inuu bedelo mabda’iisa Jubbaland, loona adeegsado dagaalka Jubbaland lagu hayo.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]