4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Puntland iyo Somaliland oo isku haysta taariikhda halgankii dheeraa ee Daraawiishta
 

Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Puntland iyo Somaliland ayaa isku haysta taariikhda halgankii Daraawiisheed ee uu hoggaaminayay allaha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Labada maamul ayaa mid waliba dhiniciisa u sheeganayaa inuu isagu leeyahay taariikhda halgankaas oo haatan laga joogo muddo ka badan qarni ama boqol sanno.

Muranka taariikhda halganka ayaa kasoo bilaabatay kadib markii dhawaan wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo kasoo jeeda gobolka Sool uu sheegay in halgankaas uu ka yimid gobolada waqooyi ee Somaliland.

Balse, maamulka Puntland ayaa arrintaas ka hor yimid, waxaana maamulka uu qabtay sanad guuro markii ugu horeysay Puntland ay soo abaabushay oo lagu xusayay halganka Daraawiishta, taasoo xalay Garowe lagu qabtay.

Somaliland iyo Puntland horey midna uma xusi jirin halganka Darawiishta, waxaana xusid mudan in sanad waliba halgankaas ay xusi jireen dadyow is abaabulay oo qaarkood degaan ahaan kasoo jeeda dhulkii Daraawiishtu caanka ku ahayd sida Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay Somaliland in aysan meelna kasoo galin taariikhda  Daraawiisheed, ayna iska sheeganayso.

Lama garanayo ujeedada iyo muhiimada ay 100 sano kadib yeelatay taariikhda halgankii Daraawiishta, iyadoo sanadihii ka horeeyay sannadkaan aan sidaasi loo hadal hayn jirin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]