4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2020
Wasiir Goodax "Puntland waa iney imtixaanka federaalka ah galaan ama aysan shahaado soo raadsan"
  

Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa mar kale dab ku shiday khilaafka waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland.

Wasiirka waxbarashada oo wareysi siinayay BBC, ayaa si cad u sheegay Puntland haddii aysan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka in ardaydooda aan lasiindoonin wax shahaado ah.

Hadalka wasiir Goodax ayaa muujinaya inuu burburay dhexdhexaadintii aqalka sare ku doonayay inuu ku dhameeyo khilaafka waxbarashada.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” Ayuu yidhi wasiir Goodax Barre.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shan kun oo arday ay dowladda federalka sannadkii hore u diiday shahaadooyinkii ay xaqa ulaahaayeen  si ay jaamacaddaha ugu biiraan.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federalka inay dagaal kula jirto nidaamka waxbarashada ayna qoraalo u dirtay wadamo badan oo Puntland siiya deeqo waxbarasho, si looga joojiyo.

Khilaafka dhinaca waxbarashada ayaa soo bilowday horaantii sanadkii hore, kadib markii Puntland ay sheegtay in ay ka qeybgalidoonin imtixaanka midaysan ee shahaadiga ah ee dowladda federalka maamulaysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]