4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo Howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb

 

Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo sida uu hadalka u dhigay howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galguduud.

Isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya fara-galin ba'an ku heyso doorashada Galmudug isaga oo ku eedeeyay in ay badashay Odayaashii saxiixayaasha.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay hoggaanka  Ahlu Sunna musharixiinta Madaxweynaha iyo waxgaradka deegaannada  Galmuudg in ay howlaha doorashooyinka uga dambeeyaan Axmed Ducaale Geelle  Xaaf. 

Madaxweyne Xaaf ayaa dhinaca kale ugu baaqay Beesha Caalamka iyo  Ummadda Soomaaliyeed in wixii cawaaqib ah ee ka dhasha howlaha doorasho  ee ka socda Dhuusa-mareeb ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto dowladda  Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]