Shil gaari oo ka dhacay meel Diridhabe u dhaw
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- 16 qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo galinkii hore ee maanta ka dhacay goobta lagu magacaabo Laas-dheere oo 20 km u jirta magaalada Diridhabe.
Sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Hiiraan Online shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen 3 basaska yaryar ee caasiga iyo 2 gawaarida waawayn ee is jiidka loo yaqaano, waxaana dhaawacyo culusi soo gaareen 5 qof halka 7 kalena dhaawacyo fudud soo gaareen.
Hiiraan Online