Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha Golaha midowga Yurub

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa halkaa ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la leeyahay madax heer caalami ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles MIchel. oo ay isla soo qaadeen
horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga,
horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale looga hadlay kulanka taageerada Midowga Yurub ee ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya,waxaana Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL uu balan qaadey inay taageerada kordhin doonaan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa uga
qeyb galay Shirka 33aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu horey
ula kulmey Madax kala duwan,waxaana la filayaa in uu sidoo kale la kulmo
Madax kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com