11/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Guddiga doorashooyinka dad ban ee Soomaaliya oo maanta soo saaray warbixintoodii ugu horeysay
 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Qoraal maanta ka soo baxay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in guddigu uu guda gali doonno waajibaadka ka saaran gaarsiinta dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga doorashooyinka waxay codsadeen in si degdeg loogusoo biiriyo xubnaha ka dhiman, ka hor inta aan la gaarin doorashada Guddoomiyaha guddiga doorashada iyo Ku Xigeenkiisa oo guddi loo saaray.

“Waa muhiim ah xilligan adag inaan waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin. Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga doorashada iyagoo gudanaya waajibaadkooda waxay tilmaameen in ay hadda gacanta ku hayaan shuruudaha jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood ayaa qeyb ka ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020. Waxaa ka dhiman 4 xubnood oo ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Labada maamul ayaan weli xubnahaan u dirin magaalada Muqdisho, iyadoo lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]