4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Talyaaniga oo oggolaaday lix milyan oo dollar inuu ku bixiyo ka hortaga fatahaada Baladweyne


Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiirku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha Fatahaada Beledweyne.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuca ka hortaga Fatahaada oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar.

Safiirka ayaa u sheegay Madaxweynaha in lacagtaas dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan dadka reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Fatahaadaha Beledweyne ee soo noqnoqday.

Madaxweyne Waare ayaa kaga Mahad celiyay Caawimaada Talyaaniga, waxaana uu sheegay in aqbaarta la xiriirta ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimaha Fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soomarsiinayaa oo fulinaya Hey'adda Cunada iyo Beeraha Ee FAO.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]