4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo dooni ay la socdeen kula gubatay xeebaha Talyaaniga
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Ugu yaraan afar muhaajiriin ah ayaa dhimatay shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay dooni ay la socdeen.

Shanta qof ee dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada kadib markii doon ay saarnaayeen 20 muhaajiriin ah uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebta Calabrian ee dalka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee ku sugan magaalada dekedaha leh ee Crotone ayaa sheegay in laba muhaajiriin ah ay xaaladdoodu aad u liidato.

Wakaaladaha wararka ayaa markii hore weriyey in saddex tahriibayaal ah, laba rag ah iyo qof dumar ah ay dhinteen. Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa markii dambe tirada dhimashada ku sheegtay afar qof.

Laba sarkaal oo ka tirsan bilayska ayaa dhaawacmay markii ay isku dayeen inay ka xeeyaan doonta gubatay si ay u badbaadaan, taliyaha bilayska Emilio Fiora ayaa laga soo xigtay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AdnKronos.

Sida laga soo xigtay badbaadayaasha, doonta waxay sidday muhaajiriin ka kala yimid Sri Lanka, Masar, Soomaaliya iyo Pakistan. Toban ka mid ah tahriibayaasha la soo badbaadiyay ayaa da 'yar, sida uu sheegay xafiiska taliyaha. 12 muhaajiriin ah ayaa la sheegay in loo qaaday xero qaabilaad oo ku taal Crotone.

Xog ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa muujineysa in 16,914 muhaajiriin ah ay si aan caadi aheyn u yimaadeen Talyaaniga iyaga oo sii maray badda intii u dhaxeysay 1-dii Janaayo ilaa 20-kii Ogosto ee sanadkan. Taasi waa koror afar laab ah marka la barbardhigo isla muddadaas sanadkii la soo dhaafay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]